Wasiir sheegay in beesha Ogaaden fowdo wado

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili Xildhibaano ka tirsan BFS ay maamul cusub kaga dhawaaqen Gobolka Bakool, ayaa waxaa dhismaha maamulkaasi ka hadlay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Maxamed Sheekh Cabdiqaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan BFS ay carqaladeynayaan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi ay kasoo horjeedan kala danbeynta iyo maamul wanaaga ay heystaan shacabka ku hoos nool maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

”Waa nasiib darro in xildhibaano ka tirsan BFS ay maanta qasaan nidaamka maamulka Koonfur galbeed u degsan. waxaan la socnaa cida ka danbeysa qorshaha lagu kala jaraaya maamulka Koonfur galbeed ee waxaan oran lahaa DF ha cadeyso sida ay u aragto qaska ay wadaan xildhibaanadaasi”

Wasiirka waxa uu sheegay in Xildhibaanadaasi ay carqaladeynayaan amaanka iyo xasiloonida gobolka, waxa uuna taasi ku micneeyay mid lagu doonaayo hurinta colaado sokeeye.

Wasiir Maxamed Sheekh ayaa xusay in dhibaatada ka dhalata Gobolka Bakool ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan Xildhibaanadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uu garan la’ yahay sababta ka danbeysay in Xildhibaanadaasi ay carqaladeeyaan amaanka iyo xasiloonida, waxa uuna carab dhabay in maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay qancinta Xildhibaanada iyo cidwalba oo wax ka tabaneysa Maamulkooda.

Geesta kale, waxa uu tilmaamay in iminka la joogo xilligii la xoojin lahaa horumarka ay ku talaabsanayaan Shacabka ku nool Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com