CADDEYN: PUNTLAND oo dhaqaalo ku bixisay dhismaha maamulka BAKOOL sare (Qabyaalad)

Baydhabo (Caasimada Online) –  Qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Gobolka Bakool ee Koofur Galbeed, ayaa shaaciyay maamul goboleedyada dalka qaarkood ay dhaqaalo ku bixiyeen dhismaha maamulka loogu magacdaray Bakool Sare oo hal beel ay ka dhistay degmada Ceelbarde.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bakool Mustaf Aadan Xuseen, ayaa sheegay in qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka ay door ku lahaayeen dhismaha maamulka Bakool Sare oo uu sharci daro ku tilmaamay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Puntland oo kaalin ku lahaa dhismaha maamulka aan sharciga aheyn ee laga dhisay degmada Ceelbarde, sida uu hadalka u dhigay.

Jubbaland ayuu sidoo kale tilmaamay iney doorweyn ku leedahay maamulka Ceelbarde, isagoo sheegay in arintaasi ay keeni karto dagaal sukeeye oo laga dhex abuuro beelaha daga gobolka Bakool.

“Dhismaha maamulkaasi sharci darada ah dhaqaalo badan ayaa lagu bixiyay oo Puntland iyo Jubbaland ayaa taageeray, laakiin waxay doonayaan in dagaal sukeeye laga abuuro shacabka dega Bakool”ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka gobolka Bakool.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ka dhaxeeyo isbaheysi siyaasadeed oo ka dhan ah dowlada federaalka Soomaaliya.

1

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com