Muqdishaan ka caroonaa, Adis baan u caroonaa

Marka hore Alle ayaa mahad mudan,naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaato rasuulkii Alle iyo intii ku raacday xaqii lala soo diray. Asalaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakaatu.

Muqdisho waa caasimada qaranka soomaliyeed waxay astaan utahay midnimada umada soomaliyeed waxay matashaa dhamaan dalka intiisa kale, hadaba mar hadii la xuso muqdisho macanaheedu waxay tahay in la xusay dalka intiisa kale.

Kadib qaran jabkii inagu dhacay hadaan nahay umada soomaliyeed hadba waxaynu wajanahay dhibaato cusub.”muqdishaan ka caroonaa adis baan u caroona” waa mid kamid ah dhacdooyinkii taxanaha ahaa ee inagu dhacayay.

Siyaasiyiinta soomaliyeed oo ah u adeegayaashaa cadowga qaranka ama fududeeyaasha in cadowgu hadba jilaafo inoo dhigo waxay mar kale lasoo baxeen waji cusub, wajigaasoo ah in ay shaki galiyaan in casumada ama astaanta qaranka ee muqdisho ay ka doorbidaan casuumado kale siiba caasimada Ethopia ee Adis Ababa.

Sida aynu wada ognahay umada Soomaaliyeed waxay wadaagaan diin,dhaqan,af,dhalasho iyo dhul waxaa fadeexad wayn ku ah in dhibka iyo khilaafka dhexdooda ah hadba xal looga raadiyo meelo aan gayin in looga doono xal,mase ah rabitaanka shacabkee waa rabitaanka siyaasiyiinta gacan yarayaasha u ah cadowga umada.

Sida caqliga saliimka ahi ina tusinayo hadii laba qof is qabtaan waa in qof sadexaad oo u garqaada la raadiyaa (mediator ), suuro gal ma ah in mid kamid ah labadii is dirirtay u noqda gar qaade. Ethiopia iyada ayay ahayd in naloo garqaado waayo waxay si xoog ah ku haystaa dhul somaliyeed ,waxay ciidamadeedu si gardara ah ugu soo xad gudbaan dhulkeena, waxay hurisaa inaan dalkani dawlad rasmi ah ka dhalan ma ahayn in ethopia ay noo garqaado waa in iyadu naga soo garbaxdaa.

Sida inta badan dhacda, bani’aadamku waa is qabtaa oo soomalidu waxay ku maahmaahdaa ( Daan iyo ilkaa daris isugu dhow iyaguna waa is qaniinaan ), hadii qadarka alle ay ku aahatay in qarankeenii burburay ma awoodi waynay hadaan nahay uma soomaliyeed inaan gudaheena ku xalino khilaafkeena. Dadka ku doodaya soomalidu ma hishiin karto ma ilaaween xili xiligan ka xumaa aqoonta umaduna intaan ka yarayd in awoowayasheen dhib walba oo dhacda ay dhexdooda xalisan jireen, mise soomalidaas iyo somalidaan isku mid ma aha?

Waa waxba kama jiraan soomalidu mahishiin karto oo waa marag iyo markhaati ma doonto in geedka hoostiisa lagu xalin jiray khilaaf walba intuu raba hala ekaadee iyadoon cidna dhexdhexaadinayn ay si madax banaan u dhamaysan jireen khilaafkooda nabad iyo walaalnima ku badalan jireen khilaafka iyo is afgaranwaaga dhexdooda ah.

Dagaaladu kama aysan dhicin Adisa ee waxay ka dhaceen dalka gudihiisa,dadkuna madagana Adis ee waxay dagan yihiin dalka gudihiisa ,hadii aan la is caqli tirayn waa la yaqaan wax walba meesha ay ku haboon yihiin ee halaga raadsho iyada inta meel aan waxba jirin wakhtiga lagu dhuminayo.

Umada somaliyeed oo lagu tirin jiray umadaha ugu dhiifoon dadyowga dunida ku nool ma garan waayeen wax walba oo dhexdiina ah ilaawa hadii cadow idinkoo dhan khatar idinku ah uu jiro , ilee sida xaqiiqda ah soomalidu waxay isku haysataa kursiye oo wax kale oo ay isku qabsan karaan ma jiraane, tusaale hal beel oo kamid ah beelaha soomaliyeed hadii la dhaho waligiin xukunka dalka haya iyo hal maalin oo cadow aan idiin diir naxayn necebna jirtaankiina uu idin xukumo war yaa idiin xanuun badan labadaas xukun ,caqligu ha shaqeeyo hadii si wadaniyad iyo islaamnimo leh lo fakaro walahi baan soomali wax kala kaxeeya uusan jireene fakara oo soomaliyeey badbaadsha mustaqbalka dalkiina iyo dadkiina.

Waa tii abwaanku lahaa “Nin walaalkii geed ugu jiraa geesi noqon waa” inta aad idinku isku muuqataan,inta beelba beel ay iska ilaalinayso , inta aad cadowgiina ukala ordaysaan,inta aad xoogina idinka dhexdiina aad isku maquuninaysaan waligiin heli maysaan cisi iyo sharaf mana garaysaan horumarka ay qayrkiin gaareen. Soomalidu hore waxay ku ducaysan jirtay ‘’ Allow labada daarood hana hoojin” hadaan nahay nahay umada somaliyeed aduuna foolxuma kasta sida faqri,musuqmaasuq,burcadnimo iyo wax walba oo xun anagaa tusaale u ah, Aakhirana wax walba oo iilahay xarimay baan xalaalsanay sida dilka,dhaca,boobka,dulmiga iiwm. Marka waxaa halkaas kacad inaan labada daroodba hoognay hadaynaan isdaba qaban.

Dunida majirto umad umad ka karti badan, manajirto umad umad ka caqli badan,waxay umaduhu ku kala tageen dadaal waa inaan la nimanaa dadaal dheeriya waa inaan aamina Illaaheena wayn waa inaan isaga tala saaranaa kuna dhaqanaa kitaabka Alle iyo sunada rasuulka ( N.N.K.H) si aynu uga baxno dhibka iyo qaxar ina daashaday.

“Guushu waa helida dhamaan waxaad ka doonayso nolosha amase fulinta qorshe aad horay udajisatay”, hadaba waxa aynu ka doonayno nolosha oo ah inaan sharaf,cisi iyo karaamo kunaalano si aan u helno waa inaan dajisana hadaan nahay umada soomaliyeed qorshe ku qotama rabitaankeena si aynu u gaarno ugana baxno dhibka.

Guntii iyo gabagabadii waxaan qof walba oo somaliyeed ugu baaqi lahaa inuu u guntado sidii u qaybtiisa uga qaadan lahaa samata bixinta dalkiisa hooyo, iskuna dayo inuu kala garto cadowgiisa iyo saxiibkiisa.

W/Q. Abdikadir Ibrahim Ahmed (kambale)

Email: Geeljire1900@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com