Xog-warran: Burburka BANAADIR iyo POINT 5

Burburka Banaadir waa bilawga buburka dalka. Dadka maqaamka gobolka Banadir u doodaya weli ma dareensana burburka ku soo fool leh, waxayna xooga saareen aayaha maamulka laga dhisi doono gobolka marka la gaaro xilliga dhaqan gelinta maamul goboleedyada hadda la wado, waana tallaabooyin horseedi doona baaba’ , barakac iyo burbur ka baaxad weyn, kana balaayo badan kii la soo maray. Waana arrin inta wax garata ay dareemeen, dadka qaarna ay si kooban uga hadleen

Waa nasiib darro aad u weyn in Sharif Xasan u soo magacaabo guddoomiye degmo Ceelasha biyaha iyo xaafadda Jasiira ee ku dheggan degmada Wadajir. Wuxuu u ballanqaaday Hailemariam inuu ciidamada Ethiopia ka siin doono saldhig degmada Wadajir si ay u” daafacaan dowladda Koofur Galbeed” ee uu madaxweynaha ka yahay.

Haddii la waayo in dib loo howl-geliyo xuduudihii Ex-Banaadir oo ka koobnaa Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan ku tali lahaa in xadka shabeellaha dhexe uu la leeyahay Xamar uusan noqon tan hadda socota oo ah Ceel-Cirfiid & Ceel-Macaan oo ku yaalla bartamaha Muqdisho. Meeshaas waxaa la gala bixi karaa in Banaadir burbur qorsheysan loo maleegayo, dadka degganna aysan weli dareemin waxa ku soo socda, waxayna ku mashquulsan yihiin sidey uga heli lahaayeen boosas maamul goboleedka ”nuska ah” la dhisi doono, welina ma cada shuruudaha la adeegsan doono iyo meelaha loo mari doono, waa haddii Banaadir xisaabta ku jirto.

Haddaba, yaa laga sugayaa inuu badbaadiyo xuduudaha Banaadir? Maanta waxaa loo bahan yahay in la helo halyey u doodi kara, soona dhicin kara xuquuqda ay leyihiin dadka Xamar deggan oo nidaam kasta oo dalkaan soo maray ku dulmanaayeen weligood. Magaalada Xamar waa inay yeelataa xuduud laga daafici karo haddii la soo qado duulaan ka duwan kan hadda socda oo ah mid militari…sida loo daafici karana waxaa ugu horreysa in ay soohdinta ka soo billabataa, ugu yaraan, qiyaasti 100 km oo dhinca walba ah.

Dhinaca woqooyi laga soo billaabo Cadale iyo Gololey ama Jowhar agtiisa, koofurna ilaa Kabtan Laas oo ah jidka u leexda Qoryooley kaasoo kala bara Sh/Hoose..dhinaca kalena waa in soohdinta ay ahaataa Ballidoogle iyo ka sii xagga, si ay difaacidda u fududaato.   Xasuuso inaan marna la aqbali karin in xadka Xamar uu naqdo sida ay rabaan cadawga caasimadda waana inuusan marna ka yaraan, wax kasta oo dhaca, inta kor ku xusan.

Ma laga yaabaa in Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Yusuf Madaale uu dareensan yahay khatarta ku soo socota gobolka Banaadir oo diyaar ma u yahay inuu soo celsho maqaamki, soohdimihi iyo sharafti Xamar isagoon cidna u daba fadhiisan ama ka sugin inay go’aan ka gaarto. Waxaan aaminsanahay inay shaqadiisa ka mid tahay ilaalinta xuduuda Banaadir ee uusan cidna uga baahneyn in la faro ama la dareensiiyo qayb ka mida howshiisa (part of his job description)…haddii aysan tafaashiisa shaqadiisa ku xusneyna waxaa la soo gaaray xilligii lagu deri lahaa, khaladka jirana la sixi lahaa, ee diyaar ma u yahay inuu tadxiya sameeyo?!!

Arrinta Somaliya maanta waxay mareysaa in dad ay sheegtaan dhul aysan lahayn ay weliba xoog ku qabsadaan, magacyo u bixiyaan, maqaam uusan lahayna u raadiyaan, dadna dhulkoodi, sidi reer Ex-Banddir, ayaa la kala googoosanayaa, waxay arrintu taagan tahay (KALA BOOBOOBA BAAL II REEBA)..cidna uma maqna ceelna uma qodna…Banaadirey yaa ku leh?!!!

Dadka u dhashay Banaadir oo dhasn waa inay billaabaan waxa loo yaqaano”lobying” oo ah xodxodasho lagu soo xero gelihayo labada Shabeelle si ay uga badbaadaan balaayada soo socota oo meel dhaq soo joogta.

Maqaamka Banaadir waa 5.5 kaddib markii ay hirgaleen shanti dowlad goboleed oo wata madaxweynayaashi ay doorteen ama loo dooray kuwaasoo maanta qayb ka ah dowr iyo kaalin fiicanna la filaayo inay ka cayaaraan, talana ka bixiyaan, mustaqbalka Somaliya. Banaadir waxay ka heshay nuska soo haray, mana jirto cid ka tala gelineysa mustaqbalka doorashooyinka dalka.

NIDAAMKA 4.5

Maamul gtoboleedyada Puntland & Jubbaland oo ah kuwa aadka uga soo horjeeda nidaamka 4.5 waxay illawsan yihiin in barlamaanka-ku-sheega ka jira gobolladaas uu ku saleysan yahay 4.5 oo ah midka kaliya ee maanta ummadaan lagu maamuli karo. Micnaha POINT 5 ma mahan quursi ama liidid qayb ka mida bulshada,waxaana lagu saleeyay tirada jufooyinka dalku u qaybsan yahay.

Sababta ay Puntland ugu dhegan tahay NIDAAM DEGMOOYIN waa iyagoo ku tashanaaya degmooyin laga guuray laba qarni ka hor inay tiro xildhibaana ah ku helaan. Dhinaca Jubbaland Axmad Madoobe u maleyn maayo inuu kala yaqaano degmooyinka ay ka kooban Jubbada Hoose wuxuuna adeegsaday hal-ku-dheggi reer Bay oo ahaa INTEE IN JEEDE KIILA JIRAAY. Sababta uu C/weli Gaas ula saftayna waa mid ku saleysan is-jufeysi…waxaysan ogeyn in jufooyinku ay yihiin AFAR, iyaguna ay mathalaan hal jufo oo tiro ahaan laga badan yahay…waxaana la raacayaa nidaamka ay isku raacaan ama ay doortaan jufooyinka kale oo tiro ahaan aad iyo aad uga badan. Waa fiicnaan lahayd inuu C/weli Gas markuu tegayo Kismaayo uu kibirka iyo isla weynida uga tagto Garoowe.

 W/Q; Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com