GAAS oo weli diidan in 4.5 wax lagu qeybsado.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay qorshaha la doonaayo in looga gudbo nidaamka 4.5.

C/wali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay guul u aragto in Somalia wakhti waliba ay ku hagto dhabaha toosan, sida uu hadalka u dhigay.

Gaas waxa uu tilmaamay in Puntland ay muqadas u tahay in laga guuro nidaamka 4.5, islamarkaana aysan ku qanci doonin wax taasi ka duwan, waxa uuna farta ku goday in DFS ay ku qasban tahay inay kusoo feesho Puntland oo shirka ka dhici doona Kismaayo looga gudbo 4.5.

C/wali Gaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Nidaamka 4.5 xal la biday Somalia oo burbursan inteeda badan 16 sano ka hor wuxuuna tilmaamay in iminka la joogo xilligii laga guuri lahaa waana in laga guuro anaguna sidaas ayaan qabnaa ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu ballanqaaday in ka maamul ahaan ay wadayaan dedaalka ay ugu jiraan in shacabka helo metalaad sax ah oo laga baxo nidaamka 4.5.

Dhanka kale, waxa uu Gaas ku adkeystay in natiijada laga filikaro shirka 10 Janaayo 2016 ka furmi doona magaalada Kismaayo uu noqon doono in laga guuro nidaamka 4.5, haddii la waayana uusan hirgali doonin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com