Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo ka hor-yimid gudiga isgaarsiinta qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa shaciyey in uu ka soo horjeedo Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu dhawaan Magacaabay Wasiirka Wasaaradaas.

War qoraal ah oo uu Wasiiro dowlaha Soomaaliya Cabullaahi Bile Nuur uu u gudbiyey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur ayuu ku soo bandhigay cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo maamul goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan taas oo uu ogeysiiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xeerka uu Madaxweynaha saxiixay iyo kan uu Wasiirka tixraacay ay is diidan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xulida iyo magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ay door muhiim ku lahaadaan dowlad goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Hoos Ka Akhriso Warka qoraalka ah ee Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com