Wasiirada arimaha dibada Eriterea iyo Ethiopia oo yimid Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia wafdi ka socda Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia, waxaana si weyn u soo dhaweeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ka kala socda dowladaha Eritrea iyo Ethiopia ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirada Arrimaha Dibada labada dal Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxana xiran inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxana wafdigaan la kulmi doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.