Aqri: Mooshin ka dhan ah guddoomiye baarlamaanka Koonfur Galbeed oo socda

Baydhabo (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulk Koonfur Galbeed ka socdo olole mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas  C/qaadir Shariif Sheekhuna.

Mooshinkaan ayaa waxaa wado qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku tilmaamay inuu yahay meesha ay ka socon la’dahay Koonfur Galbeed.

Mooshinka ayaa waxaa ilaa hadda saxiixay 50 Xildhibaan oo ka tirsan maamulkaas, waxayna wararka sheegayaan inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka biyo diidan yahay inuu qabto mooshinkaas.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wado oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa Shabakadda Caasimadda Oline u sheegay inay Mooshinka u dhiibi doonaan Guddoomiye ku xigeenka haddii uu diido inuu qabto Guddoomiye Cabdulqaadir.

Xildhibanka la hadlay Caasimadda Online ayaa sababta mooshinka keentay inuu sheegay inuu Madaxweyne Shariif Xasan kala shaqeenayo sidii ay dib ugu dhici laheyd Doorashada la filayo inay dhacdo 17 Bisha soo socoto.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaas ka wadaa olole kale oo lagu doonayo in mooshinkaas lagu kala furfuro.

Mooshinkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Musharaxiinta Koonfur Galbeed ay muujiyeen walaac ku aadan Doorashada loo ballansan yahay inay ka dhacdo Koonfur Galbeed, waxayna Xildhibaanada ugu baaqeyn inay ka hor tagaan qorsho la doonayo in waqti kororsi loogu sameeyo Shariif Xasan.

Shariif Xasan ayaa cadaadis xooggan kala kulmayo Musharaxiinta u tartamayo Koonfur Galbeed, waxayna wararka hoose sheegayaan inuusan Shariif Xasan taageero fiican ka heysan Xildhibaanada oo ku eedeeyey inuu mar kasta lunsado Mushaaraadkooda sidoo kalana uu ka jiifo wax u qabashada dadka Koonfur Galbeed.

Wixii warar ah ee kasoo kordho Mooshinkaan kala soco Caasimadda Online

Caasimad Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com