Senetaro weerar culus ku qaaday Xaaf & jawaab laga bixiyey eedeyntii Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka jawaabay eedeyn dhawaan kaga timid maamulka Galmudug ,taasoo aheyd in ay xildhibaano kasoo horjeedda maamulka Galmudug ay ku daadgureynaayaan Magaalada Cadaado.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in door dhexdhexaadin ah ay qaadanayaan Khilaafka Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug.

Waxa ay beeniyeen in ay taageeraan Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Galmudug in ay xaliyaan Khilaafka ka dhex taagan.

Waraaqdaan ayaa imaaneyso Xilli Maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb uu shaaciyey magcyada Xildhibaano ay labadaan ku jireyn oo lagu eedeeyey inay qalalaaso siysaasadeed ka wadaan Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa kusii socdid meel halis ah waxaana muuqato inaysan marnaba isla shaqeyn karin madaxda Seddexda ah ee ugu sareyso waxaana soo badanayo baaqyada ku aadan in Galmudug laga qabto oo loo magacaabo hoggaan kale oo cusub.

Halkaan hoose ka akhriso Jawaabta kasoo baxday: