Xog: Gaas oo arrin halis ah Puntland ku cadaadinaya isimada DHULBAHANTE

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa lagu soo warramayaa in uu isimada beesha Dhulbahante ku cadaadinayo in ay hor-istaagaan doorasho ka dhacda Puntland.

Gaas oo markii hore ay ka go’neyd in uu muddo kororsi sameeyo ayaa u arkay fursad in odeyaasha Dhulbahante is hortagaan doorashada iyada oo aan la xoreyn magaalada Laascaanood.

Sida ilo xog-ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, shir ay ka soo qeyb galeen Isimada, Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa Isniintii lagu qabtay madaxtooyada Garoowe halkaas oo odeyaasha lagu cadaadiyey in ay warbaahinta ka sheegaan in aan doorasho la qaban doonin ilaa la qabto Laascaanood.

Hase ahaatee, sida ay Caasimadda Online ilow xog ogaal ah ugu warramayaan, isimada wey ku gacan seedheen soo jeedintii Gaas iyo Camey iyaga oo u sheegay in go’aankaas halis galin doono amniga Puntland.

Gaas oo hore u abaabulay dagaalka Puntland iyo maamulka Somaliland ku dhexmaraya jiidda hore ee Laascaanood ayaa uga dan lahaa sidii uu ugu carqaladeyn lahaa doorashada la filayo in ay dhacdo horraanta sanadka dambe.

Musharaxiinta madaxweynaha Puntland ayaa horey uga digay isku dayo dhowr ah oo Gaas uu wado, si uu xilka waqti dheeri ah ugu darsado.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com