Muqdisho (Caasimada Online) – Warar gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wasiirada cusub ee dowladda federaalka ah aysan weli shaqo tagi karin.
Wasiirada cusub qaarkood ayaa la sheegayaa inaysan heysan wax gaadiid ah oo ay isticmaalan kadib markii wasiiradii hore ay diideen inay wareejiyaan gaadiidkii la siiyay ee aysan xabadu karin.
Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo 7-wasiir aysan soo shaqo galin, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid sabab u ah gaadiid la’aanta haysata.
Waxa uu tilmaamay in wasiiradii hore qaarkood ay ka meer-meerayaan inay dib u celshaan gaadiidka si wasiirada cusub ay u isticmaalaan, taasina ay keentay dhibka iminka jira.
“Wasiirada cusub ma doonayaan inay adeegsadaan baabuurta caadiga ah, waxa ay doonayaan kuwa aysan xabaddu Karin, waayo aad ayay u baqayaan” ayuu yiri.
Wuxuu nasiib daro ku sheegay in wasiiro tiro ahaan intaasi la eg ay shaqooyinkooda uga maqan yihiin gaadiid la’aan, taasina ay dhaliisheeda usoo laabaneyso Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka oo aan iska xilsaarin.
Wasiirada aan weli wareejin gaadiidka dowlada ee aan xabadu karin, ayaa u badan kuwa sida dhow saaxiibada ula ah Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]