Wasiirada maaliyadda DF iyo maamul goboleedyada oo gaaray heshiis 11 qodob ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirada Maaliyadda dowladda feeraalka ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada dalka ayaa ugu dambeyn heshiis ka gaaray khilaaf ka taagnaa sida loo qeybsanayo lacagaha ka yimaada beesha caalamka.

Shir uga socday magaalada Muqdisho ayey ugu dambeyn waxay kasoo saareen war-murtiyeed ka kooban 11 qodob oo qeexaya heshiiskan.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in wasiirada ay isku raaceen in 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka loo isticmaalo horumarinta arrimaha Bulshada iyo maamul wanaagga, sida arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, waxay isku raaceen in 50% kabka miisaaniyadda Bankiga Adduunka ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo, wuxuuna qodobkaan ahaa mid si weyn la isugu hayey oo dood adag laga yeeshay.

Halkaan hoose ka akhriso qodobada shirka kasoo baxay oo dhameystiran

1- Si loo xaqiijiyo horumarka, hufnaanta iyo isku duubaanta hay’adaha maaliyadda ee dalka, wasiirada waxay hoos ka xariiqeen inay lagama maarmaan tahay in si dhow loo wada shaqeeyo oo ku dhisan kalsooni iyo wada-tashi.

2- In aan marnaba la siyaasadeyn arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta shuruucda maaliyadda dalka iyo xaqiijinta halbeegyada iyo shuruudaha ku lammaanan deeqaha iyo mashaariicda horumarineed ee xukuumadda soo mara.

3- In si wadajir ah looga wada-qeyb qaato dhameystirka hannaanka dayn cafinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha, hufnaanta nidaamka maaliyadda, la-dagaalanka saboolnimada, musuq-maasuqa, lagana shaqeeyo kobcinta dowlad wanaagga.

4- In la isla qaato lana ansixiyo hab ku saleysan qaacido (Formula based resource sharing) oo ku aadan qeybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirigeliyo wax wada qeybsi loo dhan yahay islamarkaasna la dardargeliyo dadaalka ku aadan kobcinta dakhliga gudaha iyo ilaalinta wax ku-oolnimada maamulka maaliyadda iyo adeegga bulshada.

5- In 50% kabka miisaaniyadda ee qeybsiga yabooha Bankiga Adduunka ee loo yaqaano (DPO-2) loo isticmaalo horumarinta arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga, sida howlaha caafimaadka iyo waxbarashada.

6- In 50% kabka miisaaniyadeed ee DPO-2 ay khiyaar u leeyihiin isticmaalkeeda, balse xisaab celin iyo warbixin maaliyadeed laga soo sameeyo.

7- In la dhameystiro barnaamijka furdooyinka iyo dardar gelinta isticmaalka SOMCAS.

8- In xoogga la saaro kobcinta iyo tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada asaasiga ah, si muwaadiniinta dalka u helaan adeeg caafimaad iyo waxbarasho.

9- Daabicidda, soo saarista xisaab celin sanadle oo waafaqsan nidaam xisaabeedka mideysan ee guddiga farsamada horey ugu heshiiyeen ee loo yaqaan (Unified chartered of accounts).

10- In la ilaaliyo dhammaan heshiisyadii la wada gaaray.

11 -In la qabto shirka xiga ee wasiirada maaliyadda Bisha November ee soo socota haddii Alle idmo.