Wasiiradii tagay Jowhar oo loo yeeray iyo Aqalka Sare oo soo farageliyay khilaafka HirShabeelle

By Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaanada maamulkaas ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweynihii hore Cali C/llaahi Cosoble.

Arrintan ayaa ku saabsan xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulka Hirshabeelle, waxaana maanta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka tegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyadoo warbixin ka bixinaya socdaalkoodii magaalada Jowhar.

Qaar ka mid ah Senator-ada Aqalka Sare ayaa soo jeeday in ajandaha lagu soo daro xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, iyadoo Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka sare uu dalbaday in loo yeero Wafdigii Wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u aaday Jowhar.

Kulanka oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogolaan ayaa goor dhow soo dhammaaday, waxaana la filayaa in Dowladda Soomaaliya ay war kasoo saarto xaaladda ka taagan Hirshabeelle.

Wicitaanka loo yeeray Wasiiradaan ayaa kusoo aadayo xilli dowladda Soomaaliya looga fadhiyo inay go’aan cad kasoo saarto khilaafka Hirshabelle.

Wararka lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Caasimadda Online ayaas Sheegayo inay Madaxda ugu sareyso dowladda go’aansadeen in la taageero xil ka qaadistii lagu sameeyey Cosoble.