Wasiirka Amniga oo kasoo horjeestay kalsoonidii lagala noqday xukuumada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii ay golaha shacabka kalsoonida kala noqdeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha shacabka marka uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in guddoonka golaha ay shirqooleen xildhibaanada maadaama ajandaha lasoo ogeysiiyay uu ahaa ka doodista arrimaha doorashooyinka.

Islow wuxuu sidoo kale sheegay iney xalayto heleen in guddoonka golaha shacabka ay ku mashquulsan yahiin sidii ay u ridi lahaayeen xukuumadda, taasna ay aheyd midda ay u taagnaayeen iney ka doodaan.

“Wuxuu alle qadaray wax aan sharci ka aheyn adduunyada inuu halkaan ka sameeyo, waxaana cadeynaya iyadoo aan hal qof ka doodin, xukuumadii mooshin laga keenin, wax cadeynna lagu helin in la yiraahdo xukuumadii wey dhacday” ayuu yiri wasiir Islow.

“Waxaa u fiicneed gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa iney guriga iska fariistaan oo ay yiraahdaan xukuumadii wey dhacday” ayuu mar kale yiri Wasiirka amniga qaranka.

Si kastaba Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 170 xildhibaan ay u codeeyeen kalsooni kala noqoshada xukuumadda Kheyre halka ay 8 xildhibaan ka aamuseen.