Mursal oo ku dhowaaqay in kalsoonidii lagala noqday Ra’iisul Wasaare KHEYRE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo goor dhow soo xiray kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday ra’iisul wasaraaha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre.

Mursal oo hadlay kadib buuq hareeyey kulanka maanta ee Golaha Shacabka ayaa sheegay inay xukuumadda kalsoonida kala noqddeen 170 mudane, ayna diideen siddeed xildhibaan, isaga oo tilmaamay in aysan jirin cid ka aamustay, kadib codeyn la galiyey.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, si loo dardar-geliyo howlaha laga sugayo xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa ku eedeeyey xukuumadda inay ku fashilantay, doorashooyinka ee 2020/2021, maqaamka Muqdisho iyo dhameystirka dastuurka

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online waxaa mooshinkan sida deg-dega ah loogu riday xukuumadda gadaal ka riixayey guddoonka baarlamaanka iyo madaxtooyada.

Si kastaba ha’ahaatee lama oga sida ay sharci ku noqon doonto kalsooni kala noqoshada deg-dega ah ee lagu sameeyey ra’iisul wasaaraha, xilli lagu jiro marxalad kala guur ah.