Gudoomiye Seynab Xaabsey oo isbitaal la dhigay, kadib markii la jir-dilay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa xaaladda caafimaad ee guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay jir-dileen.

Seynab oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay jir-dil xoogan u geysteen ciidanka ilaalaha xarunta gobolka Banaadir.

Jir-dilka loo geystay guddoomiyaha ayaa yimid, kadib markii ay isku dhacen ilaaladeeda iyo ciidamada xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro jabniin dhanka feeraha oo gaaray, Seynab Xaabsey, kadib markii uu qoray ku liif garaacay mid ka mid ah askar ku sugneyd afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan falkaasi, balse ilo ku dhow guddoomiye Seynab Xaabsey ayaa sheegay inay haatan wanaagsan tahay xaaladeeda.

Si kastaba ha’ahaatee guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ayaa ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhaawacantat qaraxii is-maadaaminta ee sanad ka hor ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.