Buuq xoogan oo hareeyey kulanka Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in goor dhow uu ka bilowday buuq xoogan oo hareeyey kulan xasaasi oo ay halkaasi ku leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Buuqa ayaa lagu soo warramayaa inay sameeyeen xildhibaanada wasiirada ah iyo xubna kale oo taageersan xukuumadda Soomaaliya, sida ay innoo sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Xubnaha fowdada bilaabay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Aadan Isxaaq, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Xildhibaan Xuseen Iidow, iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiid Ismaan Daallo, sida uu kulanka ka hor sheegay guddoomiye, Maxamed Mursal Sheekh.

Guddoomiyaha oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa koowaad, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa haatan wada dadaallo uu ku xakameynayo buuqa, si uu sii socda kulanka.

Fadhiga maanta ee xildhibaanada ayaa waxaa looga doodayaa doorashada 2020/2021, sidoo kalena waxaa socda qorshe la rabo in lagu rido xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegaya in kulanka maanta si weyn loogu eedeyn doono xukuumadda inay sameysay xil gudasho la’aan la xiriirta doorashooyinka dalka iyo inay ku qaban weyday waqtigii loogu talo galay.

Waxaa sidoo kale jiro guux ku saabsan in eedaas loo rogo mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Kheyre oo la doonayo in la hor geenayo Baarlamaanka.

Faah faahinta kala soco: Caasimada.net.