Aqriso magacyada: Puntland, Jubaland iyo HirShabelle oo magacaabay xubnaha ku matli doona guddiga farsmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo HirShabeelle, ayaa magacaabay xubnaha ku matali doona guddiga farsamo ee ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa magacaabay in maamulkiisa ay guddigaas ku matalaan: 1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda, iyo 2 – Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa isna magacaabay in Jubaland ay guddigaas ku matalaan: 1- Xirsi Jaamac Gaanni, Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada, iyo 2- Xamze Cabdi Barre, Gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.

Madaxweynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay inay guddigaas ku matalaan: 1 – Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowldaha Hoose, iyo 2 – Cabdul Maxamed Faarax Makaraan, Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda HirShabelele.

Dhinaca kale, maamul goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankoodana la filayaa inay saacadaha soo socda magacaabaan xubnaha matali doona.

Guddigan farsamo ayaa laga doonayaa inay soo diyaariyaan nooc doorasho oo dhinacyada ay ku wada qanci karaan ka hor shirka Dhuusamareeb 3, oo lagu wado inuu furmo 15-ka bisha August ee soo socota.