26.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Video: Wasiirka arimaha gudaha oo la soo baxay arrimo ku cusub DF (Daawo)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dowlada Soomaaliya  Mr C/raxmaan Maxamed Xusseen (Odawaa)  ayaa la soo baxay howl karnimo ku aadan shaqada cusub ee loo magacaabay,iyadoo wasiir Odawaa intii yareed ee uu jagadaas hayay uu muujiyay hufnaan iyo Holw Karnimo.

Inkastoo uu yahay nin Dhalinyaro ah hadana,waxuu u dhaqmaa sida nin Siyaasada dhaxal ahaan u leh uma ku soo ciraystay,taasina dadbadan ayaa hadiiba u bogay hogaanka cusub ee wasaarada Arimaha Gudaha.

Wasiir Odawaa waxayaabaha Hadiiba Laga dareemay waxaa ka mida  in madax looga dhigay Wafdigii Wadahadala la galayey Soomaaliland,isagoo muujiyay inuu howshaad aad uga soo dhalaalo,waxuuna  noqday shaqsiga sida adag dhexda ugu xirtay in wafdiga dowlada ay mowqifkooda ku adkaystaan.

Mid ka mida wafdigii Soomaaliland ee wadahadalada ku jiray ayaa si hoose u sheegay in raga ka socday Dowlada faderaalka ah uu ku jiray nin dhalinyaro ah hadana hadalo siyaasadeed oo miisan leh indhaha ka saaray ergada Soomaaliland,iyadoo wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliland uu yiri”war ragii hore een la fariisan jirnay waa ka hadlo cadcadahaye ee side wax u jiraan”

Mr Odawaa ayaa durbadiiba kartida uu la soo baxay waa ka mida Markii uu raacay Safarkii Madaxweynaha Soomaaliya ee Dhuusamareeb tagay,waxuu dadka deegaanka Goboladda dhexe u sheegay inay iska dhaafaan is haysadka micno la’aanta ah, Balse ay hiigsadaan sida dhulkaan ay deganyihiin uranium-ta ku jira u soo saran lahaayeen,waxuuna halkaas ka jeediyay Qudbad ay la dhaceen eragada Shirka Dhuusamareeb.

Wasiirka Arimaha Gudaha  iyo Faderaalka Mr C/raxmaan waxuu  hada ku jiraa sidii loo dhamaystiralahaa Maamulada Faderaalka Noqonaya,isagoo hada  ku mashquulsan Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo  kuwa loo dhisayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa amaanay  wasiirka Arimaha Gudaha Mr Odawaa,waxuuna Mr Galeyr sheegay in uu yahay aqoonyahan Dhalinyaro ah karti leh”waxaan aad ula dhacay wasiirada cusub ee dhalinyaranimada iyo aqoonyahanimada isku darsaday waana ku faraxay ragaas markii loo dhiibay xilalkaas”ayuu yiri Galeyr.

C/raxmaan Odawaa doorkiisa hogaamintu waxay soo muuqatay hortaa 2000 waxii ka soo bilowday xilgaaso uu ka mid noqday maamulayaasha Macahdkii SIMAD,Balse Markii danbe  waxuu ka noqday Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD,iyadoo uu uga horeeyay  Madaxweyne Xasan Shiikh oo Mudo Soo maamulayay ka hor inta aan loo dooran Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiiradii Arimaha Gudaha ee isaga ka horeeyay in kastoo ay ahaayeen rag fiican hadana qaarkood waxaa ay ahaayeen kuwa howshooda habacsanaan ku bilaabay,islamarkaana lagu eedeeyay inaysan si fiican u wajihin xilkii loo dhiibay.

odawa1odawa3odawaa2s1s2s4sw3

Halkaan Daawo Muuqaal  Wasiir Odawaa oo la kulmay dhigiisa Turky.

W/D:  B. G.  Ali

- Advertisement -

Read more

Local News