Wasiirka cayaaraha oo shaqada ka joojiyey gabadhii fadeexeysay Soomaaliya, lana tiigsanaya maxkamad

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee XFS Maxamed Barre ayaa shaqo ka joojin ku sameeyey guddoomiyaha ‘xiriirka ciyaaraha fudud’ Khadiija Aadan Daahir, isagoo sheegay in maxkamad uu soo taagi doono.

Guddoomiyaha ayaa shaqo ka joojintaan ku muteysatay go’aankii ay ku dirtay Nasro Abuukar Cali oo shalay Soomaaliya ku meteleysay ciyaartii Orodada ee lagu qabtay dalka Shiinaha.

Nasro ayaa ku fashilantay orodka, waxayna noqotay qofka ugu liita orodyahanadii caalamka ka socday ee ka qeyb galay tartankaas, waxaana ka dhalatay fal-celin badan iyo caro ka timid dadka Soomaaliyeed oo magacooda lagu xumeeyey fagaaraha.

Wasiirka Cayaaraha ayaa xalay sheegay in go’aankii lagu diray gabadhaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uu baarayo arrintaan.

Warqad hadda ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa shaqada looga joojiyey gabadha guddoomiyaha ka ah xiriirka cayaaraha fudud oo laheyd go’aankii Shiinaha loogu diray gabadha ku fashilantay tartanka.

Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inuu baaray arrintaan, isla markaana ay u soo bacday in guddoomiye Khadiija ay sameysay sumcad dil qaran, eex iyo ku takrifal awoodeed, sida uu qoraalkiisa u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa faray guddiga fulinta Olonbikada Qaranka Soomaaliyeed inay isugu yimaadaan kulan deg deg ah, si ay go’aan uga gaaraan kiiska ay ku eedeysan tahay guddoommiyaha ‘xiriirka cayaaraha fudud’ Khadiija Aadan Daahir.

Sidoo kale qoraalka wasiirka waxaa lagu sheegay in guddiga Olonbikada aysan wax diiwaan gelin ah ka heysan xiriirka ciyaaraha jaamacadaha Soomaaliyeed oo ahaa xiriirkii magacooda looga qeyb galay cayaartii ka dhacday dalka Shiinaha.

Ugu dambeyntii wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey inay garoosrka dalka hor geyn doonaan gabadha shaqada laga joojiyey ee guddoomiyaha ka aheyd xiriirka cayaaraha fudud iyo xiriirkii ka been sheegay jaamacadaha Soomaaliyeed.