Wasiirka difaaca Britain oo booqasho rasmi ah ku tegay Hargeysa + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Britain, Gavin Alexander Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka iyo waftiga la socday.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.

Safarka  wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado maamulka Somaliland.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinaca, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhigga iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain.