Wasiirka maaliyadda oo lagu eedeeyey inuu wado olole sharci darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) — Xubno sarre oo ka tirsan beesha Samaroon (Gadabuursi) ayaa ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirahman Ducaale Bayle inuu bixiyey lacag laaluush ah si uu saameyn ugu yeesho doorashada kursiga xildhibaannimo ee ka bannaan beeshaas.

Cabdirahman Ducaale Bayle ayaa lagu eedeeyey inuu bixiyey lacag ku dhow 80 kun oo dollarka Mareykanka ah, wuxuuna lacagtaas ku taageereyaa musharrax uu isagu wato.

Waxaa la aaminsan yahay in lacagtaan loo dhiibay guddi olole oo taageersan Wasiir Bayle si ay ugu guuleystaan kursiga ka bannaan beesha Samaroon (Gadabuursi), halka uu jiro shaki laga qabo in loo goodiyey qaar ka mid ah Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Ujeedka Wasiir Bayle wuxuu yahay in Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ay doorashadaan ka reebaan shaqsiyaadka lagu kalsoon yahay in ay kusoo bixi karaan kursigan – si kooxdiisa iyo isaguba ay guusha u qaataan.

Beesha Gadabuursi ayaa ugu baaqday Madaxda sar-sarre ee dalka inay tallaabo dastuurka waafaqsan ka qaadaan Wasiir Bayle maadaama uu ku hayo farogelin sharci darro ah.

Ugu dambeyntii, warar hoose ayaa intaas ku daraya in la handaday Ergada  dooranaysa Musharaxiinta kursiga Beesha Habar Cafaan.

Caasimada Online

Xafiiska Moqdisho

Caasimada@live.com