Wasiirka Maaliyadda oo magacaabay beddalka xilkii Saabey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magacaabay agaasimaha cusub ee waaxda canshuuraha bariga, kadib markii agaasimihii hore Muxudiin Saabey oo lagu soo eedeeyay musuq uu dalka ka baxay.

Agaasimaha cusub ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Cabdullaahi Maxamuud Nuur, sida lagu sheegay digreeto uu soo saaray wasiir Biixi.

“Waxaa u magacaabay Cabdullaahi Nuur Maxamed, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday wasiirka.

Sidoo kale madaxda wasaaradda iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la faray inay la shaqeeyaan mas’uulka cusub ee la magacaabay.

“Dhammaan waaxyaha, xafiisyada iyo hay’adaha kale ee dowladda waxaa la farayaa in ku gacan siiyaan Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Bariga ee la magacaabay gudasha waajibaadkiisa shaqo” ayaa la sii raaciyay qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid baahi loo qabo in la kobciyo dakhliga bariga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

“Baahida loo qabo kobcinta dakhliga bariga, kaas oo muhiim u ah dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii loo heli lahaa isku filnaasho miisaaniyadeed, si muwaadiniinta Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada aas aasiga ah” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada wasiir Biixi.

Cabdulaahi Nuur Maxamed ayaa beddalaya Muxudiin Saabey oo kamid noqday mas’uuliyiin  lagu soo eedeeyay, kaas oo ka cararay dalka, kadib markii ay ku soo baxday fadeexadan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ninkan u jartay waaran soo qabasho ah, si loo horgeeyo maxkamadda gobolka Banaadir oo iyadu qaado dacwadaha nuucaan oo kale ah.

Si kastaba, waa tallaabadii labaad ee ay qaadeyso dowladda Soomaaliya, si loo soo buuxiyo boosaskii ay banneeyeen agaasimeyaal dhowr ah oo loo haysto musuq, waxayna aheyd dhowaan markii agaasime cusub loo magacaabay hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Cabduqaadir Cilmi Cali oo loo yaqaano (Cabdul) oo kamid ah ragga u eedeysan dowladda federaalka Soomaaliya, isla-markaana ka baxsaday waddanka