Wasiirka waxbarashada Puntland oo ka horyimid talaabadii hanti-dhawrka

Garoowe (Caasimada Onlne) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland, Mudane Cabdullaahi Maxamed Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa kasoo horjeestay tallaabadii uu qaaday hanti-dhawrka maamulkaasi oo xanibaad ku soo rogay akoonada wasaaradaas, sidoo kalena shaqa joojinta ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa marka si weyn u dhaliilay hannaanka uu hanti-dhawrka dowlad goboleedka Puntland u maray baarista ee wasaaradda waxbarashada maamulkaas, wuxuuna sheegay in uusan u marin waddo sax ah, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah loo beegsanayo wasaaraddiisa, isla-markaana lagu shaabadeynayo wax is-daba-marin, iyadoo aan loo heyn wax caddeyn ah.

Wasiirka waxbarashada Puntland ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabada uu qaaday xafiiska hanti-dhawrka ay keeneyso aaminaad la’aan ay wasaaraddu ka qaadi karaan hay’adaha caalamiga ah ee ka taageero horumarinta arrimaha waxbarashada.

Hadalka wasiir Cabdullaahi Maxamed ayaa sare u sii qaadi kara xiisada kala dhexeysa hanti-dhawrka oo wasaaraddiisa ku eedeeyey inuu ka dhex-jiro musuq-maasuq, waxaana haatan socda baaritaan dheeraad ah oo lagu hayo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi.

Ma cadda tallaabada xigta ee uu qaado doono hanti-dhawrka oo dabagal ku haya eedaha loo jeediyey mas’uuliyiinta waxbarashada Puntland, waxaase uu u muuqdaa mid sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo 2 xafiiis.

Si kastaba tallaabada hanti-dhawrka qaaday ee uu maalmo ka hore ku xanibay dhammaan akoonada wasaaradda waxbarashada ayaa dhaliyey shaki weyn iyo tuhun, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay Puntland, waxaase weli socda baaritaan dheeri ah.