Somaliland oo xirtay dad ka badan 1100 qof + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay muddo kooban gudaaheed dad ka badan kun iyo boqol qof, kuwaasi oo loo xiray eedeymo la xiriira ka ganacsiga noocyada kala duwan ee Maandooriyaha, sida uu shaaciyey Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu ay kordhisay howl-galada lagaga hor-tagayo Maandooriyaha ku soo qul-qulaya deegaanadooda, kaasi oo faro baas ku haya Somaliland.

“Annaga oo ah Wasaaradda Arrimaha gudaha, Booliska, Wasaaradda Waxbarashada, Caafimaadka iyo Warfaafintu waxaanu iska kaashanaynaa olole ah la dagaalanka mukhaadaraadka, waxaanu hadda haynaa 1100 iyo jar-jar Maxbuus oo lagu qabtay Khamri iyo Xashiishad,” ayuu yiri Wasiir Kaahin.

“Haddaynu Culimo iyo Dawlad iskugu tagin miyey Carruurteenu bedbaadaysaa. Boolisku waxay na tuseen boqolaal kiish oo ay ku jirto Xashiishad. Walaalayaal Dadkaa marka la xidho (Xashiishadda ku eedaysan) Dadka ka daba yimaadda ee nafta noo keenaa waa Waalidiinta iyo Dadka waayeelka ah ee yidhaahda soo daaya, markaa ma Sharciga ayaynu ku qornaa Xashiishadda iyo khamrigu waa Fasax.”

Wasiir Maxamed Kaahin oo ka hadlayey xiritaanka kulan diimeed lagu qabtay Mmagaalada Hargeysa, ayaa ka dalbaday culimada inay qeyb weyn ka qaatan wacyi-gelinta Maandooriyaha oo ay wado xukuumadda Somaliland.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in meel adag la iska taago Maandooriyaha, kaasi oo uu sheegay in uu hadda ku dhow yahay inuu Guri kasta galo, islamarkaana xaaladdu meel aan wanaagsanayn gaarto.