Somalia oo wajaheysa halis ay kal hore ka badbaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xaalado halis ah oo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid-19, kaasi oo wejigiisi saddexaad kusoo labo kacleeyay dalkeena.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinteed maalinlaha ah ee ku sheegtay in cudurka Covid-19 laga helay dad gaaraya 124 ruux oo kamid ah 2,425 ruux oo 48 saac ee ugu dambeeyay laga baaray cudurka.

Sidoo kale, warbixinta wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in cudurka 48 saac ee u dambeeyay u geeriyoodeen dad gaaray 11 ruux, oo ah inta ilaa hadda ay diiwaan-galisay wasaaraddu.

Dadka laga helay cudurka ayaa waxay 64 kamid ah yihiin Rag, halka 60 kale ay yihiin haween, waxaana ka bogsaday cudurka safmarka dad gaaray 71 ruux.

Kiisaska la xariira cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa waxaa laga kala helay gobolka Banaadir iyo deegaanada dowlad goboleedyada dalka, kuwaasi oo kala ah;

  • Puntland: 54
  • Banadir: 50
  • Somaliland: 14
  • Galmudug: 5
  • Koonfur Galbeed: 1

Si kastaba, Kiisaska cudurka ee laga diiwaan-geliyay dalka tan iyo markii uu billowday cudurka ayaa maraya 17,016 kiis, halka bogsashada guud ay tahay 8,212, waxaana muddadaas u geeriyooday dad gaaraya 938, oo ah inta la ogyahay ee diiwaan-gelisay wasaaradda caafimaadku.