Akoonada wasaarad ka mid ah Puntland oo la xayiray iyo saraakiil baaris lagu wado

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa sare usii kacay kiisaska musuq-maasuqa ee maamulka Puntland, kadib markii uu Hanti-dhowrka guud ee maamulkaas uu amray in la xiro akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Qoraal kasoo baxay Hanti-dhowrka guud ee Puntland oo si gaar ah ugu socday Mas’uuliyiinta Bangiga dhexe iyo Bank-yada gaarka loo leeyahay, ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la joojiyo lacag ka saarista akoonadaa, ilaa amar dambe.

“Waxaa si xushmad leh loogu wargelinayaa dhamaan Maamulayaasha Bankiyada iyo Agaasinka guud ee Bankiga dhexe ee dowladda in la joojiyay lacag ka saarista Akoonada Wasaaradda Waxbarashada Puntland laga bilaabo,” ayaa lagu yiri qoraal uu shalay Hanti-dhowrka u diray mas’uuliyiinta bank-yada, oo nuqul kamid ah ay heshay Caasimada Online.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa sidoo kale shaqo joojin lagu sameeyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland, Maxamed Cali Faarax (Farmayeeri), Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Hantidhawrka guud ee Puntland ayaa weli baaris ku wada Saraakiisha iyo kuwa kale oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, oo loo heysto eedo la xiriira musuq maasuq iyo ku tagri-falka hanti dadweyne.