Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Itoobiya oo weerar culus ku qaaday Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Itoobiya, Seyoum Mesfin ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, xili dib loo soo nooleeyay xiriirka diblumaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea.

Seyoum Mesfin oo wareysi siiyey warbaahinta ku hadasha afka Tigray-ga ee magaceeda loo yaqaano TMMA ayaa Abiy ku dhaleeceyay inuu xiriirka Eritrea uu dib uga jafay boorka muddo badan oo colaad kala dhaxeysay.

Wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Abiy uu u ogolaadey madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inuu ‘kufsado’ Itoobiya, maadama uu dhawaan booqasho ku yimid dalka.

Afwerki ayaa dalka Itoobiya ku qaadanaya booqasho qaadaneysa muddo saddex maalmood ah, xili uu todobaadkan ku yimid dowladda deriska la ah ee mudada badan uu dagaalku kala dhaxeeyay.

Seyoum Mesfin wuxuu sidoo kale Abiy Axmed ugu yeeray ra’iisul wasaare hore, maadama uu ku doodayo inuu muddo xileedkiisa uu ka dhamaaday, isagoona ku baaqay in deg-deg loo soo dhiso dowlad ku meel-gaar ah.

“Ka hor sanadkii 2018-kii waxaa jirtay dowlad la doortey oo waqti leh. Hadda ma jirto xukuumad lasoo doortey,” ayuu yiri, isagoo u muuqda farta ku fiiqaya kororsiga baarlamaanka u sameeyay maamulka wasiirka koowaad.

Dhawaaqa Seyoum ayaa u muuqda mid sii xoojinaya soo jeedin dhawaan ka timid xisbiga uu ka tirsan yahay ee gobolka Tigray-ga ka taliya.

Doorashooyinka Itoobiya oo ku mudeeysneyd bishii August ayaa dib u dhac ugu yimid sababo la xiriira cudurka Coronavirus, midaasi oo khilaaf xoogan ka dhex abuurtay hogaamiyeyaasha siyaasada Itoobiya, taasi oo laga cabsi qabo inay burbur hor leh u horseedo dalka Itoobiya.