Farqiga u dhaxeeya lacagta laga doonayo musharaxiinta xildhibaanimo ee Uganada iyo kuwa Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Musharrixiinta u tartameysa doorashada baarlamaanka Uganda ee soo socota ayaa waxa lagu soo rogay inay bixiyaan lacag ku dhow siddeed boqol oo dollar ($800), taasi oo u dhiganta saddex milyan oo shilling-ka Uganda ah.

Mucaaridka Uganda ayaa si weyn uga cawday lacagtaasi lagu waajibiyey musharaxiinta baarlamaanka, midaasi oo ay ku sheegen qorshe ka dhan ah mucaaridka oo lagu rabo in meesha looga saaro.

Waxay ku eedeeyen Madaxweyne Yoweri Museveni iyo xulafadiisa inay qaali ka dhigeen u tartamida baarlamaanka, si loo wiiqo awoodii mucaaridka ama si fudud looga takhaluso siyaasiyiinta mucaaridka ku ah.

Joel Ssenyonyi, oo ah af-hayeenka Madasha Midnimada Qaranka, ahna musharax baarlamaan laftiisu, ayaa ku sheegay wareysi uu bixiyey in lacagta laga rabo ay ka reebi karto siyaasiyiinta mucaaridka ka qeyb-galka tartankaasi.

“Xiriir toos ah kama dhexeeyo qof taajir noqda iyo inuu noqdo hogaamiye wanaagsan. Qaar badan oo ka mid ah dadka musuq-maasuqa sameeya, ee dhaca lacagta canshuur bixiyeyaasha, ayaa horaanba taajirnimo uraya,” ayuu yiri.

Dooddan ayaa kusoo aadeysa xili musharixiinta baarlamaanka Uganda laga rabo inay bixiyaan lacagtaasi dhamaadka toddobaadkan, taasi oo ku taariikheysan Khamiista.

Dhinaca kale, Musharixiinta xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa iyaguna dhawaan lagu soo rogay inay bixiyaan lacag dhan 20-kun oo dollar oo diiwaan gelin ah, halka kuwa Aqalka golaha shacabka laga rabo 10-kun.

Lacagaha musharixiinta baarlamaanka Uganda iyo Soomaaliya ayaa kala badan xadi ku dhow 10-jibaar.

Waxaa xusid mudan in ilaa hadda aysan jirin dood buuran oo ka taagan lacagta laga rabo musharixiinta Soomaaliya, halka kuwa Uganda ay muujiyeen cabasho xoogan oo ku aadan lacagta lagu soo rogay musharixiinta baarlamaankooda.

Afyare Cabdi, oo ah aqoonyahan ka faalooda colaadaha iyo nabadda geeska ayaa isagu ku kaliyeystay dood uu ka qabo lacagta xad dhaafka ah ee lagu waajibiyey inuu bixiyo musharax kasta oo u tartamaya labada aqal.

Wuxuuna lacagahaasi ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo cadaalada ka fog, maadama ay liiska tartamayaasha ka reebayso muwaadiniin badan oo xaq u lahaa inay doorasho galaan.

Lacagta xad dhaafka ah ee lagu waajibiyay musharixiinta labada aqal ayaa meesha ka saareysa hanka siyaasiyiin badan oo mucaarid ah oo isku soo sharixi lahaa xilkaasi. Mana cadda sababta keentay in lacag intaas le’eg lagu soo rogo musharaxiinta labada aqal.