Safaaradda Mareykanka ee Somalia oo war soo saartay kadib dalabkii Trump ee uu ciidamada kula baxayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maanta war ay soo saartay oo ku aadana dhacdadii xanuunka badneyd ee 14-kii Oktoobar 2017-kii, ku sheegtay arrin ka gedisan mid uu qorshaheeda wado madaxweynaha Mareykanku, Trump.

Safaarada ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska qaraxii ay ku dhinteen dad aan waxba galabsan oo Shacab ahaa.

Sidoo kale waxa qoraalkaasi lagu sheegay in dowladda Mareykanku ay markasta garab ku siineyso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Waxay safaaraddu xustay in Mareykanku uu la xanuunsaneyso qoysaska dadkii qaraxaasi lagu laayay, kuwaasi oo ahaa dad aan waxba galabsan, isla markaana nolosha lagu dhaafiyay wax aan illaa hadda la aqoonin.

Qarixii Zoobe ee saddex sanno ka hor ayaa waxaa ku naf waayey ugu yaraan 587-qof, kaasi oo weerarkaasi ka dhigay midkii ugu dhimashada badnaa ee qaarada oo loo adeegsado walxaha qarxa ee macmalka ah, waxaana ku dhaawacmay boqolaal kale.

Hadalka Safaarada ayaa imanaya saacado kadib un markii uu banaanka usoo baxay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku rabo in ciidamada Mareykanka uu uga saaro gudaha Soomaaliya.

Sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta Bloomberg, kasoo saarista ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Trump u ogolaaneysa inuu ka dhabeeyo mid ka mid ah ballan-qaadyadii uu ku galay ololaha doorashada oo ahayd, inuu ciidamada Mareykanka ee dagaallada kala duwan u jooga caalamka uu kusoo celin doona dalkooda.

Trump ayaa raba in uu markale ku ololeeyo in ciidamo badan oo Mareykan ah oo dalal kala duwan u jooga dagaalada uu dib ugu soo celiyay waddanka, taasi oo ay dhawaan bilowday qorshaheeda Wasaaradda Gaashaandhigu.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.