Al-Shabaab oo dilay askar ku sugneyd bar-kontorool

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in degmadaasi uu ka dhacay weerar galaaftay nolosha askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday askar ku sugnaa bar-kantarool oo laga ilaalinayo degmada Balcad, kuna taalla wadada ka imaata dhinaca degmada Afgooye.

Xubnaha Shabaabka ah ayaa rasaas huwiyey askartaasi, taasi oo keentay in isla goobtaasi ku geeriyoodaan labo askari oo xiligaasi ku sugnaa bartaasi kantorool, sida dad goob-joog ah u sheegen Caasimada Online.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xubnaha fuliyey weerarkaasi ay hore usii wateen qoryo iyo rasaas tiro badan oo ay lahaayeen askartii ay dileen, iyaga oo isla markiiba iskaga baxsaday goobtaasi.

Barta-Kantorool ee shabaabku ku laayen askarta, ayaa waxa saacado kadib gaaray ciidamada ka tirsan maamulka degmada, kuwaasi oo meydka askarta kasoo qaaday, isla markaana goobtaasi ka bilaabay baaritaano hordhac ah.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxay sidan oo kale weeraro ugu qaada bar-kantaroolada ay muhiimka u aragto, kuwaasi oo lagu khaarajiyey askar ka tirsan dowladda iyo shaqsiyaad kaleba.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga degmada Balcad, oo ku aadan weerarkaasi maanta ka dhacay afaafka hore ee degmada.