ROOBLE oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Shabaab

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyay maanta munaasabad lagu xusayay dadkii ku dhibaatoobay qaraxii 14-ka October 2017 ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay iney xukuumadiisa la imaaneyso qorshe ka dhan ah Al-Shabaab.

Tiyaatarka Qaranka ayaa xus iyo duco loogu sameeyay dadkii qaraxa ay dhibaatada kasoo gaartay, balse qudbadda Ra’isul wasaaraha cusub wuxuu xoogga ku saaray ka hadalka Al-Shabaab.

Ra’isul wasaaraha wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay iney la timaado qorshe farsamo leh oo Al-Shabaab lagu xakameyn karo ama looga takhalusi karo.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in gawaarida ay weerarada iyo qaraxyada ku fuliyaan ay ka helaan dad ay qaraabo yahiin, taasna loo baahan yahay in il gaar ah loo lahaado oo la ogaado wax walba oo ku saabsan si loo soo afjaro qorhahooda.

Dhanka kale, Rooble wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidanka Ammaanka, kuwaas oo u diyaar ah iney ka hortagaan weerarada Al-Shabaab si dadka Soomaalida ah ay nabad ugu noolaadaan.

Hadalka Ra’isul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli dowladda dhexe uu wakhtiga kasii dhamaanayo, walina loo heysto ineysan fulin ballanqaadkii ahaa iney Shabaab muddo kooban dalka uga saarayaan.