Wasiiro xukuumada Biixi ka tirsan oo arrin xasaasiya u tagay gobolka Awdal

Boorama (Caasimada Online) ―  Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ayaa maanta gaaray deegaanka Wadajir oo ka tirsan degmada Saylac ee gobolka Salel.

Wafdigan Wasiirada ah ayaa waxay u tageen deegaankaasi, sidii ay u damin lahaayeen xiisad colaadeed oo mudooyinkii dambe ka dhex aloosneed labo beelood oo wada daga deegaankaasi.

Xiisada ka dhaxeysa labadaasi beel ayaa waxay galaafatay nafta hal ruux, kaasi oo ku geeriyooday iska hor-imaad labada beel ee wada dagan shalay ku dhex maray deegaanka Wadajir.

Wasiirradan ayaa waxay isla markiiba guda galeen markii ay gaareen deegaankaasi sidii ay u xalin lahaayen, una damin lahaayeen colaada labada beel ka dhex taagan, waxayna kala ahaayeen wasiiradaasi; Wasiirrada wasaaradaha biyaha, gaashaandhigga, wasiirka caafimaadka, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca amniga, Taliyaha hawl-gelinta ciidammada Booliska.

Saleebaan Cali Koore, Wasiirka wasaaradda biyaha, isla markaana ahaa guddoomiyaha guddidan wasiirada ka kooban ee gaaray deegaankaasi, ayaa waxa uu la hadlay warbaahinta, wuxuuna yiri

“Labada reer ee aanu Arrinkooda halkan u joognaa intii Ilaahay abuurayba way wada noolaayeen, Qoys kastaana way is dhaleen, inuu Qofku intaas fahmo ayuun baa loo baahan yahay, Qof kasta oo ka qayb-qaatayna waanu u Mahad-naqaynaa”.

“Waxaanu cid-kasta ka codsanaynaa inay u hoggaansamaan garta iyo go’aanka Dawladda. Haddaan dadku aanay sidii dhaqanka ahayd u heshiinin, garta Dawladnimadana aanay aqbalin, waxa meeshaa ka soo baxayaa wuxuu noqonayaa wax adag”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Bilihii u dambeeyay goobo badan oo la deggan yahay oo Somaliland ah ayaa dhibkaasi ka socday, markaa waxa Dawladda ka go’an inay go’aan adag ka qaadato shaqaaqooyinka soo noqnoqonaya”.

Xiisada ka dhaxeysa labadan beel ee wada daga oo muddo socotay, ayaa waxay salka ku haysaa muran baahsan oo dhanka dhul beereedka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com