UK oo sheegtay in ay dhex dhexaadineysa kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Nairobi, Jane Marriot ayaa shaacisay in dowladeeda ay diyaar u tahay inay dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Kenya oo haatan dawacwad u dhexeysa ay ka furan tahay maxkamadda ICJ.

Jane Marriot oo kulan gaar ah la qaadatay mas’iiliyiin uu ka mid yahay ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto ayaa sheegtay inay muhiiim tahay in wadahadal lagu dhameeyo xiisada labada dal, gaar ahaan kiiska Badda.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in kulankii Farmaajo iyo Uhuru ku dhexmaray New York uu waddada u xaarayo in arrinta wadahadal lagu dhameeyo.

“Wadahadalka  Kenya iyo Soomaaliya waa muhiim s loo xalliyo arrintan, tallaabada uu Uhuru Kenyatta kula kulmay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee Newyork waxaa ay ahayd mid muhiim ah oo waddada u xaareysa in arrinta wadahadal lagu dhameeyo” ayey tiri danjiraha UK u qaabilsan arrimaha Kenya, Jane Marriot.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay uga biyo diiday in dawacdda Badda lagu dhameeyo si hoose, waxaana ay sheegtay inay ku kalsoontay ICJ.

Sidoo kale dhowaan ayey aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu kulankii 74-aad ee golaha guud ee QM ka hor sheegay in dowladdiisu ay ku qanacin doonto go’aan kasta oo ay gaarto maxkamadda cadaalada aduunka.

ICJ ayaa lagu wadaa in dhageysiga dawacddan ay dub furto 4-ta Bisha November ee sanadkan 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com