Deni oo shir deg deg ah isugu yeeray wasiiradiisa iyo go’aano culus oo la filayo

Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ku sugan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah in golihiisa Wasiiradda dhamaantood uu la qaato kulan xasaasi ah,sida ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Shirkii  beesha Caalamka iyo  Soomaaliya ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada  Muqdisho iyo muranka u dhexeeya dowladda soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka Magaaladaasi.

Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee dalka iyo shirkii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka, qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo Maanta  go’aamo cusub oo ka dhan ah Dowladda Federaalka .

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maamulkiisa aanu uga qeybgalin shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in Puntland diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda federaalka, walibana iyadoo baahin toos ah laga sameynayo warbaahinta ay la xaajoodaan si loo ogaado cidda gardaran.

Wuxuu tilmaamay Dani in sababta ugu weyn ee shirka uga hareyn ay tahay in aan laga talogelin ajendaha shirka, sidoo kalene ay baraha bulshada ku arkeen war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono.

Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa heerkii ugu sareysay, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka jiraan magaalada Muqdisho oo ay shirar ay ku leeyihiin Xisbiyada siyaasadda ee ay horboodayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com