Gaas oo maamullada ugu baaqay hal arrin oo ay isaga difaaci karaan DF Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo wareysi  siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Somaliya.

Waxaa uu sheegay Gaas in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan, isla markaana ay dardar-geliso dhismaha maamulada ay madaxdoodu dhameysatay waqtigii xilheyntooda.

Gaas ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona sheegay in arimaha dastuurka ay baal maraan madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu maamul gobaleedyada uga baaqay in ay dhistaan madal ay ku mideysan yihiin, islamarkaana ay ka wadahadlaan xaalada ka jirta dalka, sida waxyaabbaha waxyaabaha ay isku hayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawr jeer lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka Dalka u yaalo ayna awoodda ciidan u isticmaaleyso caburinta Maamul Goboleedyada.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com