Xog: Shariif iyo Xasan oo banaanbax ka dhan ah DF ka abaabulaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay abaabuleen banaanbax ka dhan hogaanka dowladda Soomaaliya.

Banaanbaxaan oo ciwaan looga dhigay “waan dulqaadan weynay” ayaa lagu wadaa in uu dhowaan ka dhaco Muqdisho waxaana ka qayb geli doono 2-daan hogaamiye iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wali si rasmi ah looma sheegin barta lagu qaban doono, balse waxay dhinacyadu isku raaceen in banaanbaxa la qabto islamarkaana ay ka qaybgalaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wado dedaal ay ku istaajineyso banaanbaxaan looga soo horjeedo sida ay wax ku wado Xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka dowladda.

Lama oga sida ay arintaan ku hagaagi doonto balse waxaa la xaqiijiyay in banaanbaxaan uu dhici doono maalmaha soo socda hadii aysan baajin Xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com