Wasiiru dowlihii cadaaladda HirShabelle oo u dhintay cudurka CORONAVIRUS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii Cadaaladda maamul goboleedka HirShabelle Xildhibaan Khaliif Muumin ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus oo ku dhacay.

Khaliif Muumin ayaa ka mid ahaa 9 qof oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay Jimcihii shaaca ka qaadday in laga helay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle oo dhowr ah, kuwaas oo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyay geerida Khaliif Muumin.

Xildhibaan Khaliif ayaa todobaadkii hore loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii uu ku xanuunsaday magaalada Jowhar, laguna arkay astaamaha lagu garto cudurka Coronavirus.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabele, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid, Allaha u naxariisteen Xildhibaan Khaliif Muumin.

Guudlaawe ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehellada iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka oo muddooyinkaan lagu daaweynay isbitaalka Martiine ee M/Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannadiisa Firdowso.

Khaliif Muumin waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee inta la ogyahay gudaha Soomaaliya ugu geeriyooda cudurka Coronavirus. Khaliif ayaa cudurka ku qaaday gudaha dalka, mana jirin wax safar dibadeed ah oo uu dhowaanahan galay.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuu billowday faafitaanka cudurka ee bulshada dhaxdeeda (community spread), waxaana laga cabsi in cudurka uu gaaray dad badan oo ku sugan gudaha magaalada.

Waxaa jirta cabsi xooggan oo la xiriira inay jiraan dad aan laga war-hayn oo cudurka uu gaaray ama u dhintay ayaga oo aan la diiwaan-gelin. Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa werinaya dad dhintay oo lagu arkay caalamadaha cudurkan balse ma jirto cid xaqiijin karto maadaama aan tijaabo la marin.