Xaaladda Coronavirus ee Soomaaliya oo kasii dareysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin walba waxaa tiro ka badan laba qof laga helayaa cudurka coronavoirus oo hadda u muuqda inuu si deg deg ah ugu faafayo gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in taro dad ah oo qaba Coronavirus ay aaminsan yihiin in ay ku nool yihiin Muqdisho, kuwaas oo aan u imaanin wasaaradda islamarkaana guryahooda ay iska joogaan.

“Si xowli ah ayuu ugu sii faafayaa Muqdisho waxaana ka cabsi qabnaa inuu gaaro xaalad ka baxsan awooda dowladda,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Laba dhaqtar oo ka howlgala Isbitaalada Digfeer iyo Aadan Cade ayaa shalay baraha Bulshada ku soo daabacay in laga helay cudurka Coronavirus ayna isku karantiileen guryahooda.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la xiray Isbitaalka Digfeer oo ahaa Isbitaalka ugu weyn ee ku yaala gobalka Banaadir.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dadka qaba cudurkaan ay sii kordhayaan islamarkaana kuwa hadda qaba laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato.

Qofkii labaad ayaa maanta cudurka ugu geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa wasiiru dowlaha cadaaladda maamulka HirShabelle Khaliif Muumin.

Saraakiisha caafimaadka ayaa qaba in shacab badan oo qaba cudurkaan aysan la soo xariirin wasaaradda ayna isku karantiileen guryahooda, amay noloshooda caadiga iska wataan, taasina ay sababi karto in qatarta intaan ka badato.

Wasaaradda caafimaadka ayaa la filayaa in maanta ama berri ay warbixin kale oo cusub kasoo saarto xaaladda cudurka ee dalka.