Wax badan ka ogow halka loo waday lacagta Imaaraadka ee la qabtay iyo qorshaha lagu fulin rabay

Muqdisho (Caasimadda Online) –Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu qabtay diyaarad  Safaaradda Imaaraadka u waday lacag aad u badan.

Lacagtaan oo gareyso ilaa 14 Malyan ayaa waxaa sida xogta ku helnay lagu shubay Bankiga dhexe ee Dowladda Soomaaliya.

Haddaba baaritaan badan kadib oo ay Sameysay Caasimadda Online ayaa waxay ku ogaatay halka lacagtaan loo waday iyo qorshaha laga damacsanaa.

Sida ay noo xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya lacagtaan ayaa waxaa la doonayey in caawa loo qeybiyo Xildhibaanada mooshinka kasoo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Qorshaha ayaa ahaa in Caawa Xildhibaanadaas lacagta loo qeybiyo si ay uga laabtaan mooshinka isla markaasna ay u coddeyn lahaayeen kulanka Berri inuu Jawaari sii ahaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Arrintaas ayay UAE ku dooneysaa in ay madaxa isu galiso laanta fulinta iyo tan sharci dejinta dowladda Soomaaliya oo maalmihii dambe khilaaf weyn ka dhaxeeyey/

UAE ayaa dooneysa in ay ka macaashto qalalaasaha siyaadda iyada oo dooneysa in ay dhaqaale kasta ku bixiso sidii Madaxweyne Farmaajo loo fashilin lahaa isla markaasna dowladda Soomaaliya looga dhigi lahaa mid tababar daran.

Ujeedada ugu weyn oo ay Imaaraadka ka leedahay Qalaalaha siyaasadeed ayaa ah inay si sharci darro ah uga faa’ideysato Kheyraadka dalka Soomaaliya oo muddo badan aan laheyn dowlad awood leh.

Hore ayay UAE usoo abaabushay maamul Goboleedyada si ay uga hor yimaadaan go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ee ay dowladda Federalaka ka qaatay xiisadda khaliijka, wuxuuna isku daygaan ugu dambeyn kusoo dhamaaday guul darro kadib markii ay owladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedada  ku heshiiyeen in go’aanada arrimaha debadda looga dambeeyo dowladda Dhexe.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Malaayiin Dollar ku bixineyso sidii loo curyaamin lahaa dalka Soomaaliya oo muddo badan kusoo jiray dagaalo sokeeyo, waxayna loolan weyn kula jirta dalka Turkiga oo isaga doonayo in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com