Wax ka ogow cidda KENYA ku qal qaalisay in badda Soomaaliya ay sheegato

Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii ugu saraysey ee soo mara ciidamada Soomaaliya gaar ahaan Booliiska iyo Nabad sugida, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu iiga sheekeeyey halka ay salka ku hayso arinta muranka dhalisay ee Soohdinta dhinaca Badda ee ay hada isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa uuna hadalkiisii ku bilaabay sidan:

Madax ka tirsaneyd dowladda Norwey ayaa waxa ay la kulantay sanadkii 1986-kii Allaha u naxariistee Cabdulaahi Ciise Maxamuud oo safiir ama Danjire ka ahaa wadamada Scandinavian-ka ee yurub, waxayna dabeed ka Gadeen ama ka iibiyeen in ay Soomaliya u soo saaraan Shidaalka Badda gunteeda hoose ku jira ee ay Soomaliya leedahay (waa halka ay hadda ka socoto dacwada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya)”.

Jenaraal Qaalib oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri. “Cabdulaahi Ciise hadalkii Norwey waa uu la dhacay waxa uuna arintii ula tegey Madaxwaynihii hore ee Soomaliya Allaha u nxariistee Maxamed Siyaad Barre, aad ayuu u soo dhoweeyey maadama dano badan Soomaliya ugu jirto Heshiiskas Shidaalka dhinaca Badda Soomaaliya loogu soo saarayo.

Jenaralka waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Markay halkaas mareyso ayaa waxaa Sheekadii ka war helay Dowlada Mareykanka waxayna bixisey dhaqaale iyo balanqaadyo kala duwan sidii ay arintas u curyaamin lahaayeen, waana ay ku guulaysteen.

Haddaba Waxaa arintaa dhex martay Mareykanka iyo Soomaaliya aad uga carooday Danjire Cabdulaahi Ciise Maxamuud waxayna taasi sababtay in Cabdulaahi Ciise shaqada uu sidaa uga tago”.

Jenaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka hadlaya waaya aragnimadiisa ayaa ii sii sheekeeyey oo yiri. “Wixii ka dambeeyey bur burkii dawladii soomaaliya sanadkii 1991-kii waxay Dowlada Norwey raadinaysey Dowlad ka dhalata Soomaaliya oo ay heshiiska soo saaridda Shidaalka Badda u soo saarto maadama ay kii hore ku hungowdey, waqtigii ayaana ku dheeraaday Dowladda Norwey maadaama ay Soomaaliya Dowlad la’aan ahayd sanado badan, Aakhirkiina waxay dowladda Norwey Kenya ku tirtirsiisey kuna qal qaalisey in ay sheegato Ceelasha Shidaalka ee ku jira Badda Soomaaliya kuwaas oo ah kuwa hadda la isku haysto, marka ay Kenya guulaysatana ay Norwey Shidaalka soo saarto”.

Jananku oo hadalkiisa soo gebagebeynaya ayaa yiri. “Kenya waxay u istaagtay arinta lagu baraarujiyey waana tan keentay in ay Heshiis la gasho Xukuumaddii Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid horaantii Sannadkii 2009-kii taasoo keentay Buuqa maanta taagan”.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

W/Q: Amiin Yusuf Khasaaro