SABRIYE oo xog cusub ka bixiyay go’aankii maamul goboleedyada ay diideen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii wasaaradiisa kasoo saartay habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada, oo inta badan maamulada dalka ay ka hor yimaadeen.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlayay VOA ayaa sheegay in go’aanka la xiriira habraaca doorashooyinka uu ahaa mid si wadajir ah loogu wada shaqeyn jiray, balse hadda shacabka loosoo bandhigay kaliya.

Wasiir Sabriye ayaa sheegay in dhamaan qodobada ku jira habraaca doorashooyinka dowlad goboleedyada aysan aheyn wax cusub, islamarkaan dhamaan qodobadaasi horey loogu dhaqmayay.

“Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go’aansanay in aan soo dhigno shacabka hortiisa nidaamkii awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob ee aan soo bandhignay qodob ku cusub”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wuxuu soo hadal qaaday diidamada maamul goboleedyada ay diideen go’aanka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

“Wasaaradda arimaha gudaha guud ahaan dalkaan Dimoquraadiyentiisa iyo Fedraaleyntiisa mas’uuliyadooda guud, iyadaa iska leh. Wasaaradu kaalinbeey leedahay Dowlad goboleedkuna kaalinbeey leedahay mana ku fara galin doono kaalintooda”

“Waxaana diyaar u nahay in aan kala fariisano cid kasta oo cabasha ka qabta Habraaca aan soo saarnay ee loo marayo Doorashooyinka Dowlad goboleedyada”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha”ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com