Muqdisho (Caasimada Online) – Xubno kamid ah siyaasiyiintii diiday qodobo kamid ahaa heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa gaaray magaalada Muqdisho. Waxay casuumad ka haystaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubno ay kamid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa diiday inta badan qodobada heshiiskii 27-kii May. Marka laga reebo qodobka doorashada qof iyo cod ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ogolaaday in lagala doodo oo uu dhageysto siyaasiyiinta ka biyo diidan qodobada heshiiska. In uu bixiyo fursadan waxay u leedahay dhowr faa’iido.
Horey mucaarad uu Xasan Sheekh uga mid ahaa ayaa loogu diiday in tallada qodobada waaweyn ee masiiriga ah wax laga siiyo, waxaana u diiday madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Tani waa inyar oo kamid ah farqiga dabacsanaanta siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo Farmaajo.
Xubno mucaaradka kamid ah ayaa waxaa la sheegay inay muujiyeen kalsooni ah in madaxweynaha bedeli karaan oo waxyaabaha qaar ka fujin karaa. Hal qodob dhamaan waa la isku raacsan yahay, kaas oo ah in aan loo laaban karin noocii doorasho ee ugu dambeysay.
Si walba, in wax laga bedelo hanaanka doorashada waa laga wada siman yahay mucaarad iyo muxaafad, laakiin meelaha la filayo inay doodaha ugu culus ka dhacaan waxaa kamid ah muddo kororsiga.
Siyaasiyiinta kusii qulqulaya Xamar waxay aaminsan yihiin in aanay macquul aheyn in muddo xileed socda dhexdiisa lagu kordhiyo mudada xil-haynta labada heer dowladeed.
Waxay qabaan in haddii muddo xileedka labada heer dowladeed laga dhigayo shan sano inuu noqdo mid ka bilowda kal xukunka soo socda, iyada oo arrintaas loo dhaafayo labada guddi dastuur ee uu dalka leeyahay.
Midda kale ee muhiimka ah waa arrinta madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo laga guurayo hanaanka ra’iisul wasaaraha. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la sheegaya inuu si weyn qodobkan u caashaqsan yahay.
Inkasta oo la fahmin danta gaarka ah ee madaxweynaha ugu jirta qodobkan, haddana dhinacyada diidan qodobkan waxay qabaan in inta qabyaaladda sareyso, qabaa’ilkuna hubeysan yihiin inay adag tahay in nidaamka ra’iisul wasaaraha laga guuro, kaas oo u muuqda mid xoogga dheeli-tiraya awoodaha beelaha isku eryada xukunka.
Qodobka kale ee isha lagu wada hayo waa arrinta xisbiyada, iyada oo mucaaradka qabaan doorasho qof iyo cod ah, haddana aragtida labaad ee xisbi ee ku jirtay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran waxay la kulantay mucaaradad xoog leh.
Dhanka madaxweyne Xasan Sheekh dood badan kama qabo in qodobkaas wax laga beddelo oo la kordhiyo xisbiyada.
Arrimahaan waa kuwa ugu muhiiimsan ee la filayo inuu mid adag ka dhigo kulanka Xasan Sheekh iyo mucaaradka. Waxa uuna kulankani imaanaya iyada oo aan weli heshiiskaas la horgeyn labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.