Waxaa qoraal ka yimid garab ka mid xubnaha ugu cadcad mucaaradka maamulka Jubba oo ay u direen ra’iisul wasaare Cabdi Weli kuna dalbayaan xilal dhowr ah oo ay beelaha dega Jubbooyinka ku doonayaan xilal..
Dhawaan waxaa magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan fool ka fool ah oo dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr, Abdiweli Shiikh Ahmed iyo Dr, Abdi Shire Warsame oo ah wakiilka Col. Barre Hiiraale ee Muqdisho. Waxaana kulankaasi dood adeg laga yeeshay xal u helida arrimaha Jubba oo la isku maandhaafsanaa.
Ra’iisul wasaaraha ayaa isaga oo ka duulaya dhageysiga xubnaha is ku haya gobolladaasi iyo muhiimada ay leedahay isku soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu Dr, Abdiweli Shire iyo xubnihii kale ee la socday ka dalbaday inay qoraal kasoo dhigaan fikirkooda. Sida ay inoo sheegeen xubno goobjoog ka ahaa kulankaasi.
Dr. Cabdi Shire Warsame ayaa diyaariyey warqad ka kooban saddex bog taasi oo uu diirada ku saarayey marinka ugu habboon ee loo mari karo dib u hishiisiin iyo maamul qeybsiga gobollada la isku yiraahdo JUBBA. Waxaa uu si cad qoraalkan ugu sheegay Abdi Shire inuusan WAX XIL AH KA RABIN MAAMULKA JUBBA. Taasi oo meesha ka saareysa tuhunkii laga qabay inuu xil doon ka yahay xaalka Jubbooyinka.
1. Bilowga hore ayuu sheegay Dr, Abdi Shire inay muhiim tahay sidii la iskula fahmi lahaa cidda ay u dhexeyso khilaafka ka jira gobolladaasi iyo waxa la isku khilaafan ee u baahan in laga hishiiyo.
2. Ciidanka Goobweyn jooga oo uu sheegay inay magaalada uga baxeen dagaal sidaasi darteedna loo baahan yahay inay magaalada Kismaayo kusoo noqdaan iyagoo hubkooda wata, Maxaa yeelay buu yiri ma muuqato is aaminaad dhextaal ciidamada ku diriray magaalada inta laga hishiisiinayo.
3. Qodobka ugu xasaasisan ayaa ah in ku xigeenka Axmed Madoobe oo ah Gen. Fartaag gebi ahaan meesha laga saaro oo lagu badelo nin kale oo ay beesha SADE la timaado, waxaana uu intaasi sii raaciyey inay beeshaasi muhiim u tahay helista wasaarada arrimaha gudaha ama guddoomiyaha degmada Kismaayo oo ay iminka beesha MAJEERTEEN heysato.
4. Arrinta dekeda Kismaayo ayuu ku sheegay qoraalkiisa in gacanta loo geliyo mas’uul kasoo jeeda beelaha HIRAAB, taasi oo aan la ogeyn sida ay uga daadagi doonto Axmed Madoobe iyo kooxdiisa.
Lama yaqaan sida uu Ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Ahmed oo ay qoraalkan toos ugu socoto u aqbali doono iyo siduu fulinta talooyinka meeshan ku qoran ugala hadli doono maamulka Ahmed Madoobe. Walow qodobada qaar uusan ku qanacsaneyn sida loo qoray Ra’iisul wasaaruhu.
Dr. Cabdi Shire qoraalkan iyo shaxda qaabka ay la tahay in wax loo qeybsanayo ayaa marka aad fiiriso waxaa kuu muuqaneysa inay garabkooda rabaan in wax waliba laga soo bilaabo maalintii hishiiskii Adis Ababa la gaarayey oo aysan magacowneen wasiirada uu iminka dhistay Axmed Madoobe.
Xeeldheerayaasha sida dhaw ula socda siyaasada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa qaba fikirka Dr, Abdi Shire soo bandhigay midka ugu dhaw ee wax lagu xallin karo, balse waxaa ay intaasi ku dareen inay u baahan tahay go’aan qaadasho geesinimo leh oo laga fisho dhinacyada Xukuumadda Dr, Abdiweli Shiikh iyo Axmed Madoobe, waa haddii la doonayo in wax la isku darsado. Sida ay yiraahdeen.
Ahmed Madoobe ayaa dhankiisa aad uga soo horjeeda in aan hoggaanka dekeda Kismaayo loo dhiiban shaqsi aan DAAROOD aheyn. Waxaase muuqata in isbaheysiga Col, Barre Hiiraale taasi kasoo horjeedaan oo ay qabaan in Kismaayo shacabka deggan ay u siman yihiin qabashada xilkaasi.
Halkan ka arag warqadda
Bogga koowaad qoraalka
Bogga labaad qoraalka
Bogga saddexaad qoraalka
Isha: Kismaayo24.net