24.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

“Waxan heynaa natiijo musuq-maasuq muujineysa, waan soo bandhigeynaa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daadhir, ayaa kawarbixiyay halka ay marayaan baaritaanada lagu hayo Xubno ka tirsan wasaaradihii uu Wakhtigooda soo idlaaday, waxa uuna sheegay inay jiraan Natiijooyin muuqda oo ay soo saari doonaan.

Waxa uu Tilmaamay in DF aysan u dulqaadan doonin hanti qaran oo lagu sameeyo faragalin, isagoona ka digay in mas’uuliyiinta ay arrinkaasi kusii fogaadan.

“Wuu socdaa baaritaanka, qaarkood waa gaba gaboobeyn, waana dhaqaajineynaa Insha Allah wixii dhamaada, wixii kalana waqtiga ay dhamaadaan ayaan la sugaynaa, umadda Soomaaliyeedna wey arki doonaan dadkii musuq maasuqa geystay oo sharciga horjooga, la dagaalanka musuq maasuqa waa mudnaanta Koowaad ee Xafiiska Xeer ilaalinta, meel walba iyo waqti walba ay nagu qaadato, qof walba ha ogaado hadii aan maanta sharciga lagu keenin, maalin maalmaha ka mid ah in laguu horkeeni doono”

Sidoo kale, waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa inay hal hal ula socdaan dhamaan qaabka looga dhex shaqeeyo Xarumaha DF, balse kaliya ay wadaan qorsho ay ugu dhabagalayaan tixraac hoose.

Ugu dambeyn Xeer Ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in aanu jirin cid sharciga ka weyn qofka uu doono ha ahaato, isaga oo shacabka u sheegay in sharciga hortiisa loo siman yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News