26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

“Waxaan u digeynaa wasiiradii hore ee haysta hantida qaranka” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax ayaa goor dhow Shirjaraai’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Somalia.

Dr Nuur Faarax ayaa waxa uu Shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in qeybo ka tirsan Hantida Qaranka ay gacanta ugu jirto Wasiiro hore oo ka tirsan Xukuumada dhacday ee C/weli Sheekh Axmed iyo kuwii kasii horeeyay.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka waxa uu sidoo kale sheegay inay iminka hayan Liis dheer oo ay ku qoran yihiin Mas’uuliyiin xilal hore uga soo qabtay Dowladii KMG aheyd balse ay ka wareejin doonaan Hantida ay ka heystaan Qaranka.

Waxa uu sheegay in hantida Qaranka ee la heysto ay kamid yihiin gaadiid qaranka leeyahay oo si qaas ah ay u isticmaalaan Mas’uuliyiintaasi, wuxuuna uga digay dadkaasi in inta aan lasoo qaban oo gacanta lagu soo dhigin ay soo wareejiyaan gaadiidkaasi.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Baabuur waxaa jirta dowladaan tii ka horeysay midi kasii horeysay tii kasii horeysay baabuur la bixiyay oo si qaas ah loo isticmaalo oo Wasiiradii hore qaarkood u kireysan tahay waan ognahay waan ku daba jirnaa intii lagu soo qaban lahaa oo lagaa daba tagi lahaa soo celi xaq uma lihid in suuqa lagaa qabsado oo lagu dhaho maalin hebel waxaas ayaa lagu soo celiyay inta aysan kugu dhicin soo celi”

Sidoo kale Hanti dhowrka guud ayaa waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inay ka digayaan iibinta dhul uu sheegay in Bankiga dhexe uu ku howlan yahay inuu iibiyo dhulkaasi oo Bankiga dhexe iyo Bankiga horumarinta leeyahay, wuxuuna shegay in ilaa Baarlamaanka dalka uu ansixiyo sharciga iibinta qaranka aan la iibin Karin dhulkaasi.

Dhanka kale, Shirkaani Jaraa’id ayaa kusoo beegmaayo xili maalmo ka hor Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka iyo Xafiiska Hanti dhowrka war kasoo baxay lagu mamnuucay in Wasiirada Xukuumadii dhacday aysan dalka ka bixi Karin amar la’aan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News