28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Danjiraha Britain ee SOMALIA iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Baydhaba

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay, gaaray Wafdi heer sare oo uu Hogaaminaayay Danjiraha dalka Britain u fadhiya Magaalada Muqdisho Neil Wigan.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan DF oo halkaasi uga sii horeeyay, iyadoona xiliga ay Garoonka ka dagayeen la xiray gabi ahaan wadooyinka gala Garoonka.

Mr Neil Wigan iyo xubnaha la socday ayaa waxa ay soo dhaweyn kadib halkaasi kulan kula qaaten madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale, Kulanka ayaa ahaa mid looga hadlay arimo ku aadan sidii degdeg loogu dhameystiri lahaa maamulka Sedaxda gobal Howlaha qabyada u ah.

Wafdiga ayaa waxa ay sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka kala hadleen Howlaha la xiriiro Amniga, dhismaha galaha fulinta iyo Horumarka Maamulka.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada xubnahaan ay ku yimaadeen magaalada Baydhaba, ayna ka wada hadleen dar dar gelinta dhameystirka maamulka Koonfur Galbeed.

Neil Wigan ayaa isna dhankiisa sheegay in ay taageerayaan maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana ay soo dhaweynayaan hanaankii ay doorashada uga dhacday magaalada Baydhaba.

Dhanka kale, Socdaalka Wafdigaani ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo magaalada Baydhaba uu ku gaaro Neil Wigan oo ah Danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya u jooga, tan iyo markii xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News