Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeele, oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay soo magacaabista ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.
Salaad Cali Jeele, oo gudoomiye ka ah xisbi siyaasadeed ayaa ku baaqay in madaxweynaha Soomaaliya la tashiyo badan uu ka sameeyo soo magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
“Hadde la tashi gaaban. Dadkana ay ka qeyb galaan oo axsaabta ayku jiro ayaa wanaagsan, waxaan aad u jeclaa in waxgaradka, xildhibaanada qaranka iyo axsaabta ay doorka koowaad leeyihiin, oo la dhageysto ra’yigooda” ayuu yiri Salaad Cali Jeele.
Dhanka kale Salaad Cali Jeele, ayaa sheegay in madaxweynaha looga baahan yahay inuu latashiyo la sameeyo xisbiyada kala duwan ee ka dhisan dalka Soomaaliya, si guulo looga gaaro soo magacaabista xukuumada Soomaaliya.
“Annagana waxaan welwel ka qabnaa in waqtigii doorashada uu soo gaabtay, marka khilaafka ayaa dhibaato keenay, welwelkaasi ayaan qabnaa sababtoo ah qof iyo codkiisa in la gaari waayo ayaan ka qabnaa, marka waxaa haboon in la daj dajiyo magaacista”.
Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa heysta muddo 30 maalin oo uu kusoo magacaabi karo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

