Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Iska horimaad kooban uu maanta xeebaha gobolka Jubbada Hoose ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Col Barre Hiiraale iyo Markab dagaal oo meel aan sidaa uga sii fogeyn Xeebta ku sugnaa.
Mid kamid ah Saraakiisha taabacsan Barre Hiiraale oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed ayaa VOA u sheegay in Iska horimaadka uu socday ku dhawaad hal saac, waxa uuna tilmaamay in qadar yar kadib markabkaasi uu dib ugu laabtay badweynta.
Waxa uu sidoo kale sheegay inaysan garaneynin halka Markabkaasi laga leeyahay balse ay muhiimadu aheyd in markabkaasi dagaal ay iska difaacan, wuxuuna xusay in rasaasta ay iyaga bilaaben markabkuna uu difaac sameeyay.
Sargaalka oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Xoolo ay dhaqanayeen dad shacaba ah ayaa ku dhintay rasaastii markabku soo tuurayay, ciidamadeenna wax dhibaato ah oo gaaray ma jirto, innaguna ma garanayno khasaaraha markabka gaaray,”
Dhanka kale, weerarka noocaani ah ayaa noqonaayo kii ugu horeeyay oo ka dhaca Jubbada Hoose oo dhexmaro ciidammo ka amarqaata Col. Barre Hiiraale iyo markab dagaal oo xeebaha Jubbada Hoose kusoo dhawaaday.
Lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo dhanka Ciidamada Barre Hiiraale ay sheegen inuusan soo gaarin wax khasaaro ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

