WAXYAR OO KAA YAABIYA – Karoone kadeed badanaa: Talooyin ku aadan COVID-19

Waxaa dunida ka jiray bilihi u dambeeyay welwel aad u baahsan oo laga qabay xanuunkan uu dhaliyo feyraska ee loo yaqaano COVID-19, waxaa meel kasta ku baahay talooyin fara badan oo xanuunkan ku saabsan, calaamadihiisa, sida la isaga ilaalin karo iwm, waxaase in badan talooyinkaas ka muuqata inaaney dhabta ka hadleyn oo in badan marin habaabin ku jirto, baraha bulshada ayaa waxkasta lagu baahiyay, macluumaadka qaarne waa laga badbadiyay.

Haddaba waxaan rabaa inaan qormadeydan ku iftiimiyo waxyaabo ku saabsan xanuunkan, balse waxaan ku hormarayaa wadiiqooyinka lagu nadiifiyo guryaha iyo jirkaba si aad uga hortagtid COVID-19, waa tallaabooyin aan dhib badneyn, kana fudud sida dadka qaar usawiranayaan ama loogu sharraxay baraha bulshada.

Tusaale haddaad go’aansatay inaad akhrisid ilaha warbixineed ee xanuunkan sharraaxaadda ka bixinaya sida; ururka caafimaadka adduunka (WHO), ama xarumaha ka hortagga xanuunada faafa ee dalalku leeyihiin, waxaad arkeysaa inay si weyn ugu hormarinayaan ama xoogga saarayaan in qofku isticmaalo biyo socda iyo saabuun marka uu gacmaha meyranayo, sababtuna waxa weeye fayrasyada dahaarkoodu waxa uu ka sameysanyahay dufan, saabuuntuna ay si fiican usuulin karto dufanka.

Haddaad gurigaaga ka baxdid, islamarkaana aadan uhelin jaanis aad gacmaha ku meyrato biyo iyo saabuun, waxaad isticmaali kartaa Aalkolada (Alcohol) lagu iibiyo farmashiyaasha, balse haddaad damacsantahay inaad nadiifiso gurigaaga waxaad diyaarsan kartaa dareere isku dhis ah oo aad si fudud guriga ugu diyaarsan kartid, waxaad soo qaadaneysaa qaaddo ama malgacad Koloriin ah kaddibne waxaad ku qaseysaa hal liiter oo biyo ah.

Waxaa aad loola yaabay in baraha bulshada lagu faafiyay iskujir kiimikaad oo ka kooban xaddi sare oo koloriin ah iyo Aalkolo, iyo mararka qaar waxyaabo kale oo kiimiko ah, dhibaatada ka imaaneysa waxyaabahaas khaldan waxa ay waxyeelo ba’an ugeystaan indhaha iyo sambabada dadka gurigaas ku nool, fadlan iska ilaali walxaha kiimikaad ee si aan cilmiyeysneyn loo diyaariyay.

Gacma dhaqiddu ujeedka qudha ee laga leeyahay waa in fayraskaas aad ka horjoogsatid inuu soo gaaro ugu horreyn sankaaga, marka xigane afkaaga iyo indhahaaga, waxaa jira laba wadiiqo oo waaweyn oo uu ku faafo xanuunkan (ilaa hadda). Tan Koowaad (waa tan ugu badan ee la arkay inay aad u faafiso): waa inaad usoo gashid xeyndaab 2-4mitir ah qof xanuunsan, qofkan waxa uu cudurka ugudbin karaa sankaaga ugu horreyn haddii uu qufaco ama hindhiso.

Tan labaad: waa in qofka xanuunsan uu fayraska kaga tago meel uu taabtay, sida Alaabada iwm. Waxaan naqaanaa in fayraskan uu ku dul noolaan karo sadxiyada alaabaha ama darbiyada muddo saacado ilaa maalmo gaari karta, haddane sidaa ay tahay tan koowaad ayaa ah tan ugu shaacsan ee cudurku ku faafo.

Fayraskan nooca uu yahay ee koofiyada wata waxa ay ku dhegi karaan kuna faafaan inay alaabaha ama dabiyada dushooda qabsadaan, sidaa awgeed waa inaan ka digtoonaa taabashada wax kasta xilliyada aan adeeganeyno ama magaalada mareyno iyo inta aan joogno xaafadaheena islamarkaana aan gacmaha si joogta ah ugu meyrano biyo iyo saabuun inta ugu badan ee aan sameyn karno maalinti. Bal ka warama hadduu fayraskan galo jirkeena muxuu ku sameynayaa?
La soco Qeybta 2aad

W/Qoray: Dr. C/qaadir Insi